Dowladaha Imaaraadka, Baxrayn iyo Barlamaanka Carbeed ayaa waxaa ay si kulul u cambaareeyeen falkii ay Kooxda Xuutiyiinta ay Diyaarad Daroon ah shalay ugu weerareen Gobalka CASIIR ee K/Galbeed ee dalka Sacuudiga.
Afhayeenka Ciiddanka Madaniga ee Gobalkaasi, C/Casiis AL-Jalban waxa uu sheegay in Diyaaradda Daroon oo laga soo buuxiyey Waxyaabaha qarxa ay ku dul-dhacday Dugsi ku yaalla Gobalka CASIIR.
Waxa uu intaasi ku daray inaysan cid wax ku noqonin Duqeyntaasi oo burbur u geystay Dhismaha Dugsiga.
Dhinaca kale, Ururka Islaamka ee OIC iyo Barlamaanka Carbeed waxay Cambaareeyeen Duqeynta ay Xuutiyiinta geysteen, waxayna ugu baaqeen Beesha Caalamka inay tallaabo ka qaadaan Dhaqdhaqaaqyada Kooxdaasi ku carqaladaynayso Deganaanshaha iyo Ammaanka Mandiqada.