Xarunta Dhexe ee Radio Dalsan waxaa dhawaan lagu qabtay Dood ballaaran oo lagu lafaguray Saamiga ay Haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin Barlamaanka cusub ee dhawaan la dhisayo, waxaana Doodaasi ka qeyb qaatay Guddoomiyihii hore ee Ururka Haweenka Qaranka ee Xilligii Dowladdii KMG, Drs. Caasha Cumar Geesdiir, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Banaadir, Marwo Jawaahir Xaaji Maxamuud Baarqab iyo Marwo Sahra Xasan Socdaal oo xubin ka ah Haweenka u dooda Xuquuqda Haweenka.
Sidoo kale, Doodda waxaa Khadka Telefoonka kaga qeyb galay Ugaas Maxamed-Bashiir Ugaas Xasan oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee loo xil saaray inay soo xulaan Xildhibaanadda Barlamaanka cusub ee dhawaan la yegleeli doono.
Xubnaha Haweenka ee ka qeyb galay Doodaas, waxay carrabka ku adkeeyeen inaysan ku kalsoonayn inay Odayaasha Dhaqanka ee Xulista Xildhibaanadda mudnaanta siin doonaan Saamiga loo qoondeeyey Haweenka ka mid noqon doona Barlamaanka cusub.
Haweenka ka qeyb galay Doodda Radio Dalsan, waxay ugu baaqeen Ummadda Soomaaliyeed inay ku taageeraan Haweenka sidii ay ku heli lahaayeen Xuquuqdooda, gaar ahaan Saamiga ay ku leeyihiin Xubnaha Xildhibaanadda ee Barlamaanka cusub.
Dhinaca kale, Ugaas Maxamed-Bashiir Ugaas Xasan oo Khadka Telefoionka kaga qeyb galay Doodaasi ayaa sheegay inay isaga diyaar ka tahay xubnaha loo qoondeeyey Beesha uu Hoggaamiyaha Dhaqanka u yahay.
Ugaaska waxa uu ugu baaqay Haweenka inay xiriir la yeeshaan Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka ee isku haybta yihiin, si loo xaqiijiyo Saamiga ay qeyb ahaan ku leeyihiin xubnaha Xildhibaanadda cusub ee Barlamaanka soo socda.
Si kastaba ha ahaatee, Haweenka Soomaalida waxaa loo qoondeeyey inay 30% ka helaan xubnaha Xildhibaanadda Barlamaanka soo socda.
©Radio Dalsan