Diyaaradaha Dagaalka ee Hoggaamiyaha Dagaalka ee Liibiya, Marshal Khalifa Xaftar waxay Waaberigii hore ee saakayto duqeeyeen Kulliyadda Ciiddanka Cirka oo ku taalla magaalladda Misraata oo ku taalla Galbeedka caasimadda dalkaasi ee Tripoli.
Ilo Milliteri oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa xaqiijiyey inay dhacday Duqeyntaasi, iyadoo ay dadka Deegaanka sheegeen inay qaraxyo waa weyn laga maqlay guud ahaan magaalladda Misraata.
Shalay ayey ahayd, markii ay Diyaarad Daroonis oo ay Ciiddanka Khaliifa Xaftar leeyihiin duqeeyeen Xaflad Aroos oo ka socotay magaalladda Murzuq ee Koonfurta dalkaasi, laguna dilay ugu yaraan 43-qof.
Waddanka Liibiya waxaa ku hardamaya Ciiddanka Dowladda ay QM taageerto oo ku xooggan Galbeedka dalkaasi oo ay ku jirto Caasimadda Tripoli, halka Ciiddanka u daacadda ah Khalifa Xaftar ku xooggan yihiin Bariga dalkaasi oo ay ku jirto magaalladda Tobruk.