Diyaarad sida Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska sida gaarka u tababaran ee loo yaqaano Haramcad ayaa Goordhow ka degtay garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.
Ciidamada ayaa waxaa diyaarada oo gaar aheyd looga qaaday Magaalada Muqdisho, iyagoona ka degay Dhuusamareeb, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Haramcad iyo kuwa Milateriga dowladda.
Saraakiisha Ciidamada ee ku sugan Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada Cusub ay ka qeyb qaadan doonaan Sugida amaanka Caasimadda Galmudug iyo fulinta howlgalada gaarka ah.
Ciidamada ayaa waxaa la geeyay Xarumo ku yaalla Magaalada, iyagoona ka sameeyn doona fariisimo, isla markaana waxaa ay ka qeyb noqonayaan Ciidankii dowlada Federaalka ay horey halkaas u geeysay.
Dhinaca kale Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa laga soo daabulay Ciidamo ka tirsan Booliska ee Haramcad oo ay horey halkaas u geysya dowladda Federaalka, waxaana wararka qaarkood ee la helayo ay sheegayaan in Ciidankaas ay ka qeyb qaateen howlgalkii lagu soo gaba-gabeeyay Ahlusunna.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kal hore boqolaal Askari ku daabushay Caasimadda Galmudug, iyadoona dowladda sheegtay inay ka qeyn qaadan donaan sugida amniga Magaalada iyo howlgalo kale.