Dilka ka dhacay Magalada Muqdisho iyo faah faahin ka soo baxeysa

Waxaa faah faahino dheeraad ah ay ka soo baxayaan rag hubeysan oo Barqanimadii Maanta Xaafada Suuqa Siinaay ee degmada Warta-Nabada ee Gobolka Banaadir ku dilay qof la sheegay in uu ahaa Shacab.

Rag hubeysnaa ayaa la sheegay in Suuqa ay ugu tageen Nin  Ganacsi Gudaha Suuqaasi Siinaay ku lahaa ka dibna ay dhowr Xabadood madaxa kaga dhufteen,iyaga oo goobta ka baxsaday.

Mid ka mid ah Ganacsatada suuqa oo sababo Amni uga gaabsaday Magaciisa  ayaa sheegay in dhaawac ahaan markii loogu qaaday mid ka mid ah isbitaalada Muqdisho uu geriyooday balse aysan cadeyn Karin sababta loo dilay.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa sidii horay looga bartay gaaray gobta uu dilka ka dhacay wallow baaritaan ay sameeyeen aysan dad ku qab qaban.

Suuqa ayaa Ganacsatadu waxa ay sheegeen in mudo kooban uu Ganacsigiisa hakad galay kadib markii Gamacsatadu ay cabsi dareemeen.

Maamulka degmada Warta-Nabada weli dilkaasi kama hadlin balse waxa uu ku soo aadayaa xilli shalay Barqadii Isgoyska Siinaay lagu dilay Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliya,iyada oo kooxihii dilay ay qorigii uu watay ay ka qaateen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor