Kooxo hubeysan ayaa goordhow waxa ay meel aan ka fogeyn isgoyska hotelka Toowfiiq ee degmada Yaashiid ku dileen laba ruux,iyaga oo kadib halkaasi isaga baxsaday.
Qof ku dhawaa Goobta xiliga uu dilka dhacayay ayaa Dalsan waxa uu u sheegay in kooxo ku hubeysnaa bustoolado ay dileen Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo qof la joogay.
Xiliga Askariga la dilayay ayaa waxa uu ku jiray howshii Shaqo,isaga oo kala nidaaminayay gawaarida halkaasi maraya,basle laga warhelay dhowr xabadood oo ku dhacday,isaga iyo qofkale oo Shacab ahaa.
Dilka kadib Ciidamo ka tirsan Dowladda oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn Isgoyska Hotel Towfiiq ayaa howlgal ay sameeyeen waxa ay ku qabten 5 ruux oo watay gaari nooca raaxada ah kuwaas oo looga shakiyay in ay dilkaasi ka dambeeyeen.
Maamulka degmada Yaaqshiid weli kama hadlin dilkaas,iyada oo Goobta dilka uu ka dhacay ee isgoyska Hotel toowfiiq ay tahay mid mashquul badan.