Dhul-gariir burburiyey Kaniisado oo ka dhacay Filibiin

Dhul-gariir aad u xoog badnaa ayaa la sheegay inuu ruxay qeybo ka mdi ah Koonfurta dalkaasi, iyadoo ay ugu yaraan 25 qof oo Tuullo-joog ahaa ku dhaawacmeen.

Dhul-gariirkaasi oo cabirkiisa 5.5 Halbeegga Dhul-gariirka ayaa waxa uu burburiyey 2 Kaniisad, dhowr guri, Xarun Dab-damin iyo Suuq.
Hadal ka soo baxay Hay’adda Ka-hortagga Masiibooyinka ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in 2 Kaniisad oo ku kala yaalla Degmooyinka Karmen iyoLanuza uu soo garaay burbur xooggan.

Kooxaha Gurmadka ayaa loo daad-gureeyey si ay u tagaeeraan dadka ay waxyeelladu soo gaartay.

Dalka filibiin waxa uu ka mid yahay dalalka ay inta badan ka dhacaan Dhul-gariirka, iyadoo dhul-gariir ka dhacay Waqooyiga dalkaasi sannadkii 1990-kii ay ku geeriyoodeen ku-dhawaad 2,000 oo qof.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media