Shacabka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay Masuuliyiinta Maamulkas ku eedeeyeen in y ka musuq maasuqeen Deeq Gargaar ah oo ay ugu talo gashay dowladda Turkiga.
Qaar ka mid ah shacabka Magaalada Baladweyne oo la hadlay Xarunta Warqabaka Radio Dlsan ee Magaalada Baladweyne ayaa waxa ay sheegeen in raashin gargaar ah oo turkiga ugu talo galay ay sugayeen mudo todobad ka badan ugu dambeyna ay waayeen halkii uu ka baxay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Warbixin uu Baladweyne ka soo diray Wariyaheena Axmed Dirir Nuur.