Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka ayaa Maanta soo saaray wareegto uu ku kala diray Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka,waxana ka jawaabay kala diristaas Xoghayaha Guddigaas Cabdullaahi Maxamed Nuur.
Wareysi uu siiyay Dalsan Tv  Xoghayaha Guddiga la sheegay in la kala diray ee Maaliyadda Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa waxa uu ku sheegay in kala diristaas ay tahay mid sharcidarro ah.
Hayeeshee uusan raali ka aheyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka,balse ay wataan Guddoomiye ku xigeenka 1aad Cabduweli Ibraahim Muudeey iyo guddoomiye ku xigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad.
“Sharci ma aha kala diristeennu,Guddigu wuu sii Shaqeynayaa,Cawadna isagoo Xaaladeysan oo uu mar iigu yeeray wuxuu igu yiri Lacag qaado arintanna faraha kala bax waana ka diiday ayuu yiri Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur.
Arrintaan ayaa ah mid khilaaf cuusb ka dhex dhalineysa Xildhibaanada Golaha Shacabka,maadaama Xubno ka tirsan Guddiga Maaliyadda ay dhawaan sheegeen in Warbixintii Guddiga horay u soo saareen aysan la socon.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur.