Cabduweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa sheegay in dadka ku nool deegaanada Puntland uu dhibaato ku hayo awood qeybsiga  dhanka Beelaha ah islamarkaana uu dib u dhigay.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in dhibaatooyinka iyo dagaalada mararka qaar ka dhaca Puntland uu sabab u yahay qabiilka islamarkaana xiligaan wixii ka dambeeya ay rajeynayaan in Puntland ay ka guudbto una gudubto hab deegaanka.
Hadalkaan ayaa Madaxweynaha maamulka puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas,ayaa waxa uu sheegay xili uu ka qeybgalayay shir looga tashanayay Nidaamka xisbiyada badan ee Maamulka Puntland kaas oo lagu qabtay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.
Hoos Ka Dhageyso Codka