Dhageyso:-Wasiirka Maaliyadda oo digniin adag u diray Shirkadaha aan bixin Canshuurta

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Beyle oo shir jiraa’iid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faah-faahin ka bixiyay halka uu marayo qorshaha deyn cafinta dalka iyo heerka uu marayo barnaamijka kobcinta dakhliga dowladda waxaana uu tilmaamay in shir ka dhacaya muqdisho uu gunaanad u yahay qorshaha deynta looga cafinayo Soomaaliya.

Dhinaca kalana waxa uu soo hadal qaaday habka bixinta canshuurha iyo sida ganacsatadu ay u bixiyaan canshuurta ku waajibtay ganacsiyada ay leeyihiin,waxaase uu xaqiijiyay in ay jiraan shirkado ganacsi oo aan bixin canshuurta.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in dacwad ka gudbiyeen shirkadaha aan bixin canshuurta isaga oo uga digay dadkaas in ay ka waantoobaan la baxsadka canshuurta,hadii kalana waxa uu tilmaamay in uu bulshada u soo bandhigayo magacyada shirkadahaas.

Halkaan Ka Dhageyso Codka Wasiirka 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media