Gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys Dheddo ayaa sheegay in maamulka gobolka uu waddo sidii Hormar u gaari lahaa gobolka Bari,isla markaana loo dhisi lahaa Gole deegaan.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in la guda geli doono  Dhismaha Golaha deegaanka gobolka Magalada Boosaaso,wuxuuna sheegay in 28 Bishan lasoo dhamaystirayo laguna dhawaaqayo golaha deegaanka Boosaaso.
Waxa uu sheegay inay ka duwanaan doonaan kuwii hore ee soo maray gobolka Bari muddadii lasoo dhaafay,Wuxuuna hadalkiisa sii raciyey in Xildhibaano Aqoon leh la keenayo oo laga gudbayo Xildhibaano bilaa Aqoon ah oo Oday Watto sida uu hadalka u dhigay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Gobolka Bari.