Maamulka gobolka Hiiraan ayaa faah afahin ka bixiyey dagaal ciidamda dowladda iyo dagaalyahanada Al-Shabaab ku dhex maray qeybo ka mid ah gobolkaas kaas oo ay sheegeen in ay guulo waaweyn ka gaareen.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasada Maamulka gobolka Hiiraan Xuseen Cismaan Muumin oo wareysi siiyay Radio Dalsan ayaa sheegay in uu jiro howlgal la doonayo in deegaanada Gobolka Hiiraan looga saarayo Al-Shabaab.
Waxa uu sheegay in howlgalkaas uu yahay wajiga koowaad ee holwgalka ka dhanka ah Al-Shabaab,isla markana ay jiraan deegaano ay la wareegeen iyo kuwo kale ay haatan ku wajahn yihiin.
Wayesi ayuu sidoo kale ku sheegay in khasaarihii ay Al-Shabaab ku gaarsiiyeen dagaaladii u dambeeyey ee ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiaran ay dhawaan Warbaahinta u soo bandhigi doonaan.
Sikastab todobaadkii la soo dhaafay ayay aheyd markii dagaal aad u culus tuutooyin hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan uu ku dhexmaray Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasada Maamulka gobolka Hiiraan Xuseen Cismaan Muumin.