Cismaan Maxamed Cilmi oo ah Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa uu ka hadlay Imtixaanka shahaadiga dugsiyada sare ee Maanta ka bilaabanaya Gobolka Hiiraan.
Waxaa uu sheegay Guddoomiye Cismaan in tiradda guud ee Ardayda ku sugan deegaanada Gobolka Hiiraan ee Imtixaanka u fariisaneysa ay gaarayaan ilaa iyo 1467 ku oo Arday oo 1363 kamid ah Ardaydaas ay wax ku barteen Dugsiyada Sare eek u yaalla Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Sidoo kale waxaa uu ka Rajo wanaagsan ka muujiyay Imtixaankan shahaadiga Dugsiyada sare ee dalka oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya,isla markaana sheegay in uu ku dhamaan doono si nabad ah.
Isaga oo sii hadlaayay Cismaan Maxamed Cilmi ayuu tilmaamay in xal laga gaaray Khilaafka dhinaca Imtixaanaadka ee u dhexeeyay dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Wasaaradda Waxbarashada,isla markaana Imtixaanka deegaanada Hirshabeelle ka bilaabanaya uu yahay midka ay qaadeyso dowladda Federaalka Soomaaliya.
In ka badan 31 kun oo Arday soomaaliyeed ah ayaa maanta u fariisanaya Imtixaanka Guud ee Fasalka 12aad ee Dugsiyada sare oo ay qaadeyso Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Dalka.
Hoos ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Hiiraan.