Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe oo la hadlay Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa bogaadiyay shaqada wangaasan ee dalka u hayaan.
Waxa uu sheegay Taliye  Indha-Qarshe in dowladda ay ku howlan tahay diiwaangelinta Ciidamada dowladda,isla markaana uu socdo tirakoobka lagu sameeynayo.
Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxa uu Digniin u diray Ciidamada gadoodka sameeynayo,isagoo xusay in ay lumi doonaan,halka kuwa doonaya hormarka dalka ay kusii jiri doonaan Ciidamada Xoogga dalka.
Isagoo sii hadlayay ayuu tilmaamay Taliye Indha-Qarshe in Ciidamada kuwa ku shaqeeya hab beeleedka ee Nidaanka diidan sida ugu dhaqsiyaha badan Ciidamada looga saari doono.
Ugu dambeyntii Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe ayaa dardaaran u jeediyay Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Hoos ka Codka Taliye Indha Qarshe.