Todobaadyadii u danbayey Maxkamada Ciidamada Gobollada Bari iyo Sanaag ee Puntland ayaa xukunno isugu jira dil iyo xabsi daa’in waxey ku riday rag lagusoo eedayey in ay ka tirsanaayeen Daacish iyo Al-Shabaab.
Xukunadaasi ayaa ka dhacay gudaha xabsiga wayn ee magaalada Boosaaso oo aan saxaafadu goobjoog ka ahayn.
Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Gobolada Bari iyo Sanaag ee Puntland G/sare Cawil Axmed Faarax ayaa ka waramay xukunada dilka iyo Xabsi daa’imka ee ay maxkamadu todobaadyadii u danbaysay xukuntay.
Cabdi Cumar Iftiin iyo Jeylaani Xasan Isaaq oo ku eedeysnaayeen Al-Shabaabnimo ayaa lagu xukumay dil toogasho ah,halka Xasan Aadan Laamow iyo Cabdirisaaq Xuseen Tahliil oo loo yaqaano(Calool Geel) ayaa lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Kooxda Daacish ayaa lagu xukumay dil toogasho ah.
Sidoo kale waxaa Bishaar Cismaan Seed Faarax lagu xukumay Xabsi daa’in, Saddex eedeysane oo dambi lagu waayay ayaa la fasaxay,halka lix ka mid ah eedeysanayaasha dib loo dhigay Maxkamadeyntooda ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Gobolada Bari iyo Sanaag ee Puntland.
Si kastaba Cabdirisaaq Xuseen Tahliil oo ka mid ah dadka ay Xukunka dilka toogashada ah lagu riday ayaa waxaa Maanta Gaalkacyo ka dhacay banaanbax looga soo horjeeday xukunka lagu riday.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Gobolada Bari iyo Sanaag ee Puntland G/sare Cawil Axmed Faarax.