Dhageyso:-Puntland oo iska fogeysay eedeyn uga timid dowladda Soomaaliya

Wasaarada Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Maamulka Puntland ayaa jawaab ka bixisay hadal dahwan ka soo yeeray Wasaarada Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda dowladda Somaaliya oo ahaa in Puntland ay fashilisay shir ka dhici lahaa Jasiiradda Siishalis.

Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Maamulka Puntland Cabdinuur Cilmi Nuur Biindhe, ayaa sheegay in Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Somaaliya uu ka been sheegay Puntland kuna sheegay in ay fashilisay shirkii ka dhacay Jaziirada shiishalis islamarkaana uu Wasiirku shirkaasba uusan ka qeyb gelin sida uu ahdalka u dhigay.

Waxa uu ahdalkiisa intaas raaciyay in puntland ay tahay mid jecel dadka Somaaliyeed taas oo cadeyneysa in dhamaan dadka kala duwan ee Somaaliyeed ay ku nool yihiin deegaanadeeda.

Hadalka ka soo baxay Wasaarada Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Maamulka Puntland ayaa imaanaya xili dhawaan  Wasaarada Kaluumeysiga iyo khjeyraadka Badda Somaaliya ay eedeyn u jeedisay Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Maamulka Puntland.

Hoos Ka Dhageyso Codka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media