Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu ka hadlay xaaladda Siyaasadeed ka taagan maamulka Galmudug.
Madaxweyne Waare oo xalay ka hadlayay kulan lagu daahfurayay dhismaha Golaha deegaanka Degmada Baladweyne ayaa waxaa uu sheegay in dadka Hrshabeelle kunool ay welwel ka qabaan xaalada Murugsan ee Cakiran ka jirta Galmudug,isla markaana waxaa uu xusay in dhibaatada lagu haayo Galmudug ay culeys ku tahay Hirshabelle.
Isaga oo sii hadlaayay ayuu baaq uu u diray Dowladda Federaalka,Xildhibaanada iyo Xisbiyada siyaasadeed ee dalka iyo cid kasta oo abaabuleyso kala qeybinta Galmudug.
Dhinaca kale Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa uu sheegay inay xiran tahay Wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Baladweyne oo ay xireen Al-shabaab,isla markaana Hirshabeelle aysan aqbali doonin in faragelinta lagu haayo Galmudug u xirmaan Wadooyinka dhanka Waqooyi ka soo gala maamulkiisa.
Hoos ka Dhageyso: Codka Madaxweyne Waare.