Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan magaalada Beledweyne ayaa kulan la waatay masuuliyiinka gobolka iyo kuwa magaalada isaga oo kala hadlay arrimo la xiriira dhismaha golaha deegaanka degmooyinka kala duwan ee Hirshabelle.
Isaga oo ka hadlayay dhismaha golaha deegaanka ayuu tilmaamay in faa’iido badan ay ugu jirto shacabka degan degmooyinka kala duwan ee maamulkaas,waxaana uu sheegay in ay helayaan Mashaariic waaweyn oo ay ka saacidayaan dowladda dhexe iyo maamulkooda.
Ugu dambeyntii waxa uu bogaadiyay qorshaha dowladda ee deegaanada Galmudug si gaar ah waxa uu sheegay in muhiim uu yahay shirka dib u heshiisiinta Galmudug kaas oo xalay uu si toos ah u daah furay ra’iisul Wasaaraha xukuumadda fedraalka Somalia Xasan Cali Kheyre.
Halkaan Ka Dhageyso Codka