Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa waxaa uu ka hadlay qarax Khasaaro geystay oo shalay ka dhacay Degmada Bardaale ee Gobolka Baay.
Madaxweyne Lafta-gareen ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay qaraxaas oo ahaa nooca Miinada dhulka lagu aaso,isla markaana lala eegtay Gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed xili ay marayeen gudaha degmada Bardaale.
Sidoo kale waxa uu sheegay Madaxweynaha Koonfur Galbeed in qaraxa uu ku geeriyooday Sarkaal ka tirsanaa Golaha deegaanka,kaasi oo lagu magacaabi jiray Falar Liibaan Nuurow,waxaana uu tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka dhintay,isagoona Alle uga baryay in uu Janada ka waraabiyo iyo dadkii kale ee halkaasi ku geeriyooday.
Dhinaca kale qaraxii shalay ka dhacay Degmada Bardaale ayaa waxaa ku dhaawacmay Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo lagu magacaabo Cabdullaahi Sheekh Maxamed Sh Mukhtaar,isagoona haatan lagu dabiibayo xaaladiisa Caafimaad Isbitaalka weyn ee Magaalada Baydhabo.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Shacabka KG ugu baaqay inay la shaqeyaan laamaha amniga si looga hor tego falalka amnidarro ee mararka qaar dhaca.
Hoos ka Dhageyso Codka Madaxweyne Lafta-gareen.