Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo”Waa in aan ka hortagno dadka geysanaya falalka amnidarro”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in amniga dalka loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay siwadajir ah uga wada qeyb qaataan,isla markaana lagu dadaalo sidii loo sugi lahaa.

Waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay dhibaato weyn ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed,isla markaana maalin walba ay dadka dhibaateeyaan sida uu hadalka u dhigay,

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in aan dowladda kaliya lagu haleyn sugida amniga dalka balse looga baahan yahay in Shacabka ay Ciidamada kala Shaqeeyeen sidii amniga dalka loo xaqiijinlahaa.

Hadalkaan ayaa Madaxweyne Farmaajo waxa uu ka jeediyey xilli Maanta uu salaadii Jimcaha ah ku dukaday Masjidka Shuhadada ee Villa Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Farmaajo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media