Dhageyso:- Madaafiic ay tuureen Ciidamada keenya eek u sugan Gobalka Gedo oo ay ku dhinteen 2-Caruura oo wada dhalatay.

Dhaqane Cali Salaad oo ah Aabaha dhalay Caruurtaan oo la hadlay Radio dalsan ayaa sheegay Ciidamada Keenya Madafiic ay soo tuureenn in ay ku dhinteen Laba Caruura oo uu dhalay si doo kalana uu ku dhaawacmay Mid kale oo hada xaaladiisu ay aad u adagtahay.

Dhacdadaan ayaa sida uu sheegay waxa ay ka dhacaday deegaan u dhaw Xuduuda ay wadaagaan Soomaliya iyo Kenya waxaana uu sheegay in uu la afariirsanyahay sababta loo Bartlmaameedsaday Xubnaha Qoyskiisa.

Dhaqane Cali Salaad aya Cadeeyay in ay la xiriireen Saraakiisha Keenyaatiga ah laakin aysan jirin Cid Jawaab saxan ka siisa,dhinaca waxa la weydiiyay waxa ay qabanayeen Caruurtiisa marka ay dhacadaan dhaceysan isaga oo sheegay in ay la joogeen Xoolo.

Halkan Ka Dhageyso Codka  

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media