Maalmihii la soo dhaafay Maamulka Koonfur Galbeed waxaa isku dhiibayay Saraakiil ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab kidib wadahadalo dhexmaray masuuliyiinta maamulkaas iyo Saraakiisha Al-Shabaab.
Hadaba Maamulka Koonfur Galbeed ayaa xiligaan sheegaya in Saraakiishaas baaritaano lagu sameyn doono isla markaana qorshahoodu uu yahay in cidwalba ay soo dhaweeyaan.
Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Gacma ayaa Dalsan u sheegay in marka laga soo tago Saraakiishaas sidoo kale ay jiraan Saraakiil kale oo maamulka Koonfur Galbeed uu wadahadalo kula jiro si ay ugu soo biiraan.
Waxa uu sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed uu diyaar u yahay in uu wadahadal la sameeyo Saraakiisha Al-Shabaab ee ku sugan deegaanada Koonfur Galbeed  welina uu socdo wadahadalka.
Shalay gelinkii dambe ayay aheyd markii Garoonka Diyaaradaha Baydhabo ay ka degtay diyaarad Helicopter ah oo siday Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab balse isku dhiibay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed.