Maalmihii la soo dhaafay waxaa Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ku sugnaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi si Jubbaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya isugu soo dhaweeyo.
Kadib kulamo kala duwan oo uu la qaatay madaxda Sare ee Jubbaland ayaa waxa ay ku dhawaqeen inay diyaar u yihiin wadahadal ay la galaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Waxbarashada Jubbaland Maxamed Ibraahim Maxamuud iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Jubbaland Cabdi Baaleey Xuseen ayaa siwadajir ah waxa ay u sheegeen inay diyaar u yihiin wadahadalka dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxa ay sheegeen in marnaba aysan diyaar u aheyn in dhibaato la abuuro,hayeeshee ay diyaar u yihiin in Jubbaland ay qaadato tabasha kasta oo ay qabto dowladda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Jubbaland Cabdi Baaleey Xuseen ayaa sheegay in Jubbaland marnaba aysan aqbaleyn in dalkaan dib loo celiyo,sidoo kalena ay Jubbaland soo dhaweyneyso waxkasta oo dhinaca Nabada ah.
Hadalkan ka soo yeeray Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland ayaa ku soo aadaya xilli weli uu jiro khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.
Hoos Ka Dhageyso Codadka Mas’uuliyiinta Jubbaland.