Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalo maalmihii la soo dhaafay Ciidanka amniga ay ka sameeyeen degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir iyo Duleedka Magaalada Muqdisho.
Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Zakiya Xuseen Axmed oo Shir Jaraa’id ku qabatay Muqdisho ayaa waxaa ay sheegtay in howlgal Ciidanka ay sameeyeen lagu soo qabtay in in ka badan 80 ruux,kuwaasi oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.
Sidoo kale Taliye Zakiya ayaa sheegtay in la qabtay xubin ka tirsan Al-shabaab oo dil u geystay Guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa maamulka Gobolka Banaadir,isla markaana lagu qabtay degmada Xamarweyne,kadib markii ay shacabka ku soo wargeliyeen,isagoona haatan lagu wado baaritaano.
Shacabka kunool Magaalada Muqdisho ayay ka Codsatay inay la shaqeeyaan Hay’adaha amniga dowladda.
Ugu dambeyntii Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Zakiya Xuseen Axmed ayaa xustay in Ciidanka amniga oo howlgal xalay ka sameeyay Xaafada Jamuuriyo ee Degmada Kaaraan Guri ku yaalla halkaasi ay ku soo qabteen dad ka ganacsanaayay Maandooriyaha loo yaqaano Xashiishta,waxaana dadkii la qabtay ku jiray haweeney.
Hoos ka Dhageyso Codka Taliye Zakiya.