Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa dhawaan ka furmay shir lagu heshiisiinayay Beelihii ku dagaalamay deegaano hoostaga degmada Cadalle,waxana la sheegay in shirkaas haatan la isku fahmi waayay.
Cali Siciid oo ka mid ah Xildhibaanada Maamulka Hir-Shabeelle ayaa Dalsan u sheegay in arinta la isku qabsaday ay tahay in Beelahaas ay dhex dhexaadiyaan Masuuliyiinta dowladda Dhexe iyo kuwa Hir-Shabeelle,halka dadka qaarkood ay soo jeediyeen in Beesha Mudulood ahaan xal loo raadiyo taas oo dadka qaar ay diideen.
Waxa uu sheegay in haatan wax shir ah uusan socon balse ay socdaan wadahadalo ku aadan sidii dib markale uu shirkaas u furmi lahaa sixal looga gaaro dagaaladii ka dhacay tuulooyin hoostaga degmada Cadalle.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaanka