Dhageyso:-Faah faahin Ciidamada Dowladda Oo Muqdisho Ku Rasaaseeyey Dad Shacab ah

Fah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya  Ciidamada dowladda oo rasaas khasaaro geystay ku furay  Dhalinyaro ku sugneyd goob uu dab ka kacay oo ku taalla degmada Wadajir ee Gobolkan. Banaadir.

Rasaaseynta dhalinyarada ayaa timid,ka dib markii ay dhagxaan ku tuureen gawaarida dam damiska Gobolka Banaadir oo tegay goobtii uu dab ka kacay,iyaga oo sheegay in ay soo daaheen,isla markaana aysan imaan xilligii loo baahnaa.

Cabdi Kulane oo ka mid ah qoyska gurigooda uu dabka ka kacay ayaa sheegay in rasaasta ay fireen ciidamii la socday Gawaarida dab damiska ay ku dhaawacmen laba ka mid ah dhalinyaradii kuwaas oo xaaladooda caafimaad ay tahay mid wanagsan.

Waxa uu sheegay in rasaastas ay ka dambeysay ka dib markii dadka xaafada uu dabka ka kacay ay dhagxaan ku tureen gawaarida dab damiska oo goobta yimid  ka dib markii dabka la demiyey.

Dabka ayaa waxa uu ka kacay Guri ku yaalla degmada Wadajir gaar ahaan agagaarka Maxkamadii hore,waxaana Cabdi Kulane uu sheegay in dabka uu baabi’iyey hantidii taallay dhowrkii guri ee uu isku-maray.

Dhacdada lagu tuuryeeyey gawaarida dab damiska Gobolka Banaadir ayaan aheyn mid ku cusub degmada Wadajir,waxaana mar walba dhacda in dadka ku sugan goobaha dabka uu ka kaco ay dhagxaan ku tuuraan gawaarida markii ay soo daahaan.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Cabdi Kulane oo faah faahinaya sida ay wax u dhaceyn.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor