War ka soo baxay Maanta Xeer Ilaaliyaha Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa lagu mamnuucay Sameynta Warqadaha been abuurka ah,iyada oo digniin loo diray dad la sheegay inay ku howlan yihiin.
Warka ka soo baxay Xeer Ilaaliyaha Dowlad goboleedka Jubbaland Maxamed Sh Cismaan Siciid ayaa waxaa la sheegay in la mamnuucay gebi ahaan sameynta
-Warqada lahaanshaha dhulka ( Sabarloogo).
-Shahaadooyinka Maamulka
-Sharciga wadida gaadiidka ( Leysinka ).
-Warqadda Canshuuraha wado marista ( Tirismaale).
Xeer Ilaaliyaha oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inuu uga digayo dadka falalkaas ku howlan asagoo sheegey in haddii lagu qabto la marsiin cadaalada ayada oo loo cuskanayo xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xeer Ilaaliyaha Dowlad goboleedka Jubbaland.