Nin ku labisnaa dareeska Ciidamada ayaa xalay fiidkii bartamaha Magalada Garoowe ee Gobolka Nugaal waxa uu ku dilay wiil Dhalinyaro ahaa kana mid ahaa ardayda dhigata mid ka mid ah Jaamacadaha Magalada Garoowe.
Marxuumka ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Yaxye Cabdirisaaq ,waxaana la sheegay in niinkii ka dambeeyay dilkiisa uu ka qaatay Mobile uu watay.
Howlgal la sameeyay ayaa waxaa lagu soo qabtay laba ka mid ah dadkii la sheegay inay ka dambeeyeen dilkaas oo ka tirsan Ciidamada booliska dowlad Goboleedka Puntland.
Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Puntland Janeraal Muxudiin Axmed Muuse ayaa sheegay in ninka dilka geystay oo ku labisnaa dareska Ciidamada ay gacanta ku dhigeen.
Waxa uu sheegay in Ninka dilka geystay oo Mobile ka qaatay Gabar la joogtay wiilka uu dilay,balse wiilkii iyo Ninkii ku labisna dareeska Ciidamada ay wada murmeen sidaasina uu ku dilay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha.