Shalay ayaa Wasaaradda amniga Xukuumadda Soomaaliya waxa ay soo saartay wareegto lagu farayay Wasiirka amniga Koonfur Galbeed dardar gelinta amniga deegaanada Maamulkaas inta lagu guda jiro doorashada Madaxweynaha.
Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed( Eelay) ayaa sheegay in laamaha Amniga Koonfur Galbeed u diyaar garoobeen sugida Amniga xilliga lagu guda jiro doorashada.
Waxa uu sheegay in silamid ah musharixiinta iyo Shacabka Magalada Baydhabo looga doonayo inay ka qeyb qaataan xaqiijinta Amniga,waxaana uu sheegay in uu raja wanaagsan ka qabo in doorashada ay sinabadgelyo ah ku dhacdo.
Qoraalkii shalay ka soo baxay Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay jiraan shaqsiyaad handadaad u geysanaya Shacabka,isla markaana taasi aan la aqbaleyn.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed.