Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Qardho ee Gobolka Bari ayaa ku warramaay in goordhawyed halkaasi ay ka dhacday dhacdo naxdin ku abuurtay dadka degaanka, kadib markii Haweenay ay Seygeedii (Ninkeedii) ay toorreey ku dishay?
Wararka ina soo garaya ayaa sheegaya in dilku uu ka dhacay Magaalada Qardho, waxaana dadka degaanku ay inoo sheegeen in Haweenaydu ay dishay Seygeeda, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan sababta haweenayda ku kalliftay in ay disho Marxuumka.
Dadka degaanka ayaa sheegay in Haweenaydu ay maseersanayd, sidaasna ay u gaystay falkaasi dilka ah.
Dadka degaanka iyo Ciidanka ammaanka ayaa goobta ku xoomay, waxaana lasoo shegayaa in hadda xaaladdu ay tahay mid murugsan, maaddama dadka degaanku ay la yaab ku noqotay dhacdadaasinaxdinta leh.
Dhacdooyinka noocaas ah ee ku aaddan dilalka ay isku gaystaan lammaamneyaashu ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay dalka kusoo badanayay, waxaaan tiro dhowr jeer ah soo noqnoqday falal sidaas oo akle ah.