Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee DFS, Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay inaysan Somalia marnaba ku biiri odonin Isbahaysi kasta ama Urur-gobaleed kasta oo ka dhan ah dalalka Qatar iyo Turkiga.
Wasiirka oo shalay ka hadlay Seminaar lagu qabtay Machadka Diplomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Qatar waxa uu carrabka ku dhuftay inay Somalia kaalin dhexdhexaadnimo ka istaagtay Khilaafka dalalka Khaliijka, isagoo sheegay inay waaajib tahay inay dalalka kale xushmeeyaan Go’aanka Somalia ee madax-bannaanidda Go’aankaasi.
Wasiir Cawad waxa kale oo uu xusay inay Xiisadda Khaliijka waxyeello gaarsiisay Somalia, sababo la xiriira Go’aanka ay dhexdhexaadka kaga noqotay Khilaafkaaasi.
Waxa u uintaasi ku daray inaysan Somalia ahayn sidii hore, isla markaana ay wax kasta is-beddeleen, waa sida u uhadalka u dhigay.
Dhinaca kale, Wasiirka waxa uu soo hadal-qaaday Muranka Somalia iyo Kenya ee ku aadan xuduud-baddeedka lagu murunsan yahay, wuxuuna xusay inay Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda ee ICJ loo gudbiyey Kiiskaasi, lana sugayo go’aanka ay ka gaarto Milkiyadda xuduud-baddeedka la isku haysto.
Mar si ihorreysay, Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee DFS, Axmed Ciise Cawad waxa uu Kulan la qaatay Ra’isul-wasaare-ku-xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Qatar, Maxamed Bin C/raxmaan Al-thaani o oay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo inay Qatar kordhisay maalgelinta mashaariicda Horumarinta ee Somalia.
Dowladda Qatar waxay ka mid tahay dalalka fara-ku-tiriska ee taageeradda ugu badan siiya DFS, isla markaana maalgeliniyaan Mashaariicda Horumarinta Adeegyadda Hawlbowlaha u ah Mujtamaca.