Howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamadda kumaandooska xoogga dalka ayay ku dileen mid kamid ah saraakiishii Al-shabaab uqaabilsanaa dhinaca tababarada kaas oo lagu magacaabo Ashraf azmi Abu (Hamdan) una dhashay dalka Nepal ee qaarada aasiya sida lagu sheegay warkaan kasoo baxay dowladda Somalia.
Howlaglaka qorsheeysan ayay kumaandooska kasameeyeen degaanada Buur-gaduud, Waabo, Salagle, Duqay oo hoosyimaado degmada saakoow ee gobolka Jubada dhexe iyaga oo sheegay in bartilmaameedkoodu uu ahaa sarkaalka ay dileen.
Taliyaha guutada 16-aad kumaandooska Somalia ee danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik oo la hadlay Idacada dowladda eek u hadasha afka Ciidamadda Qalabka Sida ayaa sheegay howlgalka inuu ahaa mid qorsheeysan kaasi oo ay fuliyeen ciidamadda sida gaarka ah u tababran ee kumaandooska danab islamarkaasna ujeedkiisu uu ahaa beegsiga Sarkaalkaan u dhashay Nepal.
Taliyaha ayaa tilmaamay Sarkaalkaas u dhashay dalka Nepal ay la dhinteen sadex maaliyaad ah oo lajoogay goobta uu howlgalka kadhacay.
Dhinaca kalana waxa uu sheegay in Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska ay kordhiyeen howlgalada ay ku bartilmaameydsanayaan xubnaha ka tirsan Alshabaab.