DFS oo ku dhawaaqday xiliga ay bixineyso shatigii ugu horreeyay ee Shidaal baarista dalka

Dowladda Soomaaliya ayaa bisha soo socota ee December ee sanadkan ku dhawaaqi doonta qorshe ay dooneyso in ay ku bixiso shatigii ugu horeeyay ee shidaalka iyo Gaas-ka laga sahmiyay xeebaha dalka.

Wasiirka batroolka iyo macdanta ee Dowladda Federaalka ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in Soomaaliya ay dooneyso in ay soo jiidato shirkadaha maalgashiga.

Xilli shir ku saabsan shidaalka iy Gaas-ka uu ka socdo dalka Koonfur Afrika ayaa wasiirka waxaa kale oo uu sheegay in shirkado badan ay ku tartami doonaan sanadka 2020-ka.

“Waxaanu soo bandhigeynaa ilaa 15 xirmooyinka shidaalka ah,” ayuu yiri Cabdirashid Maxamed Axmed oo ku sugnaa Magaalada Cape Town.

Waxaa kale oo uu sheegay in maclumaadka la xiriira sahankii dhawaan laga sameeyay 15-ka xirmo, laga yaabo in ay ku jiraan shidaal dhan 30 bilyan oo fuusto.

Wuxuu intaa ku daray in halka laga helay xirmooyinka cusub ay ka fog yihiin xalka ay ku muransan yihiin Soomaaliya iyo Kenya, dacwadaas oo haatan hortaala maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.

Madaxweynah dowladda federaalka ee Soomaaliya ayuu sheegay in dhawaan uu saxiixi doono sharciga shidaalka, kaas oo haatan horyaala aqalka sare ee dalka.

Soomaaliya ayaa bilo kahor markii ugu horeesay muddo 30 sano ah dhaqaale ka heshay shidaalka iyo kheyraadka kale ee ku jira dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media