War Gordhow soo gaaray Warqabadka Radio Dalsan Muqdisho ayaa waxa uu sheegayaa in ay Maanta iscasileyn Wasiiro ka tirsan Maamulkaas.
Mid ka mid ah Wasiirada Hir-Shabeelle oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in Wasiirada Is casilay ay gaarayaan ilaa 12 Wasiir.
Sababta ayaa lagu sheegay Waxqabad la’aan ka dhexjirta gudaha maamulka Hir-Shabeelle iyo dhaliilo waayadaan loo soo jeedinayay madaxweyne Cali Cabdulalahi Cosoble.
Wasiirada Maanta is casilay ayaa ka mid ah xildhibaanada Hir-Shabeelle kuwaas oo la sheegay in iyaga oo Lixdameeyo ah ay saxiixeen Mooshin ka dhan ah madaxweyne Cosoble una gudbin doonaan gudoomiyahooda
Goordhow la socda faah faahinta Warkaan