Wararka aan ka heleyno Gobolka Nugaal  ayaa Caawa waxa ay sheegayaan in taliye ku xigeenkii Ciidanka Booliiska Puntland Bille Cabdiraxmaan uu ku dhaawacmay Shaqaaqo ka dhacday Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal
Taliye ku xigeenka ayaa waxa la sheegay in uu ku dhaawacmay rasaas uu furay taliyaha ciidanka Booliiska Puntland C/qaadir Shire faarax (Erag) kadib markii uu Gacan ka hadal dhexmaray isaga iyo Cumar Cabdullaahi Faraweyne oo ah Gudoomiyaha Gobolka Nugaal.
Xiliga uu falkaan dhacay ayaa waxaa socday kulan looga hadlayay dhanka amniga, waxaana xiligaas Goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha gobolka Nugaal iyo Taliyaha qaybta booliska Gobolkaas.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska Puntland Bille Cabdiraxmaan ayaa la xaqiijiyay in uu dhaawaca ka soo gaaray dhanka lugta,isla markaana uu yahay mid fudud.
5,Bishii May Sanadkii 2016 ayaa sidaan oo kale Gacan ka hadal dhex maray Taliyihii hore ee Booliska iyo Taliyahii Birmadka  Maamulkaas waxaa ku dhaawacmay Wasiirkii Amniga Puntland oo xiligaas ahaa Cabdi xersi Cali Kharjab, isla markaana ay ku geeriyooden Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland