Daryanka Hoobiyayaal ayaa Goordhow waxaa laga maqlay qeybo kamid ah Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir.
Madaafiicdaasi ayaa la sheegay inay ku habsadeen Xaafadaha ku yaalla agagaarka Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Soomaaliya, sida dad goobjoogayaal ah ay xaqiijiyeen
Ilaa iyo lama oga Khasaaraha ay geysteen Hoobiyeyaashaan oo kusoo dhacay agagaarka Xarunta Madaxtooyadda.
Ma cadda halka laga soo tuuray Hoobiyayaashaasi, mana aha markii ugu horreysay ee Hoobiyayaal ku soo dhacaan Xaafadda ku yaalla agagaarka Xarunta Villa Somalia.