Kooxo hubeysan ayaa Goordhow waxa ay degmada Hurwaa ee Gobolkan Banaadir ku dileen Haweeney la sheegay in ay ka mid aheyd Maamulka degmadaasi hurwaa.
Dilka ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Shineemo Cabdi Waayeel,waxana dadka deegaanka ay sheegeen in haweeyda la dilay ay ka mid aheyd ururka Haweenka ee ka dhisan degmada hurwaa,iyada oo kooxihii ka dambeeyey dilkaas ay goobta ka baxsadeen.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa Goobta gaaray iyaga oo halkaasi ka wada howlgallo baaritaano ah.
Goordhow kala socda faah faahinta Warkan Radiodalsan.com