DEG DEG:-Dagaal Xoogan oo ka socda Degmada Qoryooleey

Wararka aan ka heleyno Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka socda Culus oo u dheexeya Ciidanka dowladda, kuwa AMISOM iyo Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Al-shabaab ay saakay weerar ku bilowday qaraxyo ay ku qaadeen Saldhiga Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin degmada Qoryooleey, waxaana intaas kadib qarxay dagaal la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka deegaanka oo la hadlay Warqabadka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay u shegeen in Al-shabaab ay gudaha u soo galeen Qoryooleey, isla markaana la maqlayo dhawaqa rasaas xoog leh.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Al-shabaab ay la wareegeen inta badan gacan ku heynta degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana halkaas la jirta xaalad kacsanaan ah.

Lasoco wixii kusoo kordha Insha Allaah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media