Wararka aan ka heleyno Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Goordhow uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka.
Dagaalkan ka dhacay Dhuusamareeb ayaa waxaa uu sigaar u dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa nabadsugida dowladda ee halkaas ku sugan iyo Ciidamo ilaalo u ah Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.
Ilo xog-ogaal oo ku sugan Dhuusamareeb oo la hadlay Idaacada Dalsan ayaa waxaa u sheegeen in dagaalkan uu yimid kadib markii Ciidanka Ilaalada Madaxweyne Qoorqoor ay Ciidanka Nabadsugida ka celiyeen Xerada 21-aad oo qeyb kamid ah uu dhagax dhigayay Madaxweynaha Galmudug.
Dagaalkaas ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana halkaas ku geeriyooday laba Askari oo ka tirsan Ciidanka Nabadsugida dowladda Federaalka.
Ilaa iyo hada ma jiro weli wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb oo ay uga hadlayaan dagaalkii Maanta halkaas ka dhacay ee Khasaaraha geystay.