Wararka ka imaanaya degmada Badhaadhe ee gobalka Jubada hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Mareykanka Keenya iyo kuwa maamulka Jubalaand ay Al-shabab kala waregeen degmada Badhaadhe oo in muda ah ay maamulayeen Dhaqdhaqaaqa Shababa.
Ciidamada is baheysana ayaa dagaal xoogan oo ay la galeen shabab kedib waxa u suurta gashay in degmada ay gacanta ku dhigaan iyada oo shabab oo waqti dher maamulayayna ay dib uga baxeen.
Gudoomiyaha degmada oo aan la hadalnay waxa uu ka gaabsaday hadii uu jiro khasare soo gaaray labada dhinac hese yeshee waxa uu shegay in ay dhimatay gabdh ka mid aheyd dadka degaanka oo heysatay 8-caruura.