Dilkaan ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Jaamacadda Ummada Xarunta degmada Xamarweyne,waxana la sheegay in dilka Darawalka Mooto Bajaajta uu ka dambeeyey Askari ka tirsan ciidamada Minashiibiyada ee Canshuurta qaada.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in dilka ka hor askariga iyo Darawalka mooto bajaajta oo wiil dhalinyaro ahaa uu muran dhexmaray taasina ay keentay in askariga uu rasaas qeybaha sare ee jirka uu kala dhaco Darawalka mooto Bajaajta.
“Dhaawac ahaan ayaa markii hore loogu qaaday Wiilka dhalinyarada ah basle uu ugu geeriyooday mid ka mid ah Isbitaalada Magalada Muqdisho,waxana goobta ka baxsaday askarigii dilka geystay sidaas waxaa Dalsan u sheegay qof goobjooge ahaa.
Maalin ka hor ayay aheyd markii Askari ka tirsan Ciidamada Minashiibiyada ah uu Darawal Mooto bajaaj ku dilay ka soo horjeedka Xarunta Maamulka degmada Waaberi mana jirto cid weli loo xiray dilalkaas.