Dal Carbeed oo gurmadkii ugu horreeyay gaarsiiyay Beyruud

Wali waxaa socda dadaalada loogu gurmanayo dalka Lubnaan oo shalay qaraxyo waa weyn ay ruxeen, waxaana jira dalal badan oo ka qayb qaadanaya sidii loo samatabixin lahaa dadka dhibaatadu ku dhacday.

Dalka Qadar ayaa  waxaa uu Lubnaan u diray diyaaraddii ugu horreysay oo sidda gargaar caafimaad oo lagula tacaalayo dhaawacyada ku jira Cisbitaalada, diyaaradda Qadar ay Lubnaan u dirtay ayaa waxaa ka  danbeyn doona sida la sheegay seddex diyaaradood oo kale Kuwaas oo sida  500 oo sariirood, waxaana Sariirahaas la gaarsiin doonaa isbitaalada ay ku jiraan dadka ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Caasimadda dalkaasi ee Beyruud.

Waxaa jira  dalal kale oo ka qayb qaadanaya gurmadka loo fidinaayo Lubnaan, waxaana jjira waddamo badan oo sheegay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan gargaar u gaarsiin doonaan shacabka dhubaataysan ee reer Lubnaan.

Waddamo ay ka mid yihiin Turkiga iyo Faransiiska ayaa siyaabo kale duwan ugu qayb qaadanaya gurmadka, waxaana dalka Turkigu uu diray shaqaale baadi goob ku sameyn doona dadka la waayay ee laga cabsi qabo in ay dhismayaasha bur-buray ku hoos jiraan.

Qaraxyadii shalay ruxay Beyruud ayaa ahaa kuwo aad khaasare ballaaran u gaystay shacabka dalka Lubnaan, waxaana madaxdab dalkaasi ay ku dhawaaqeen maalmo barood diiq ah, waxaana jirta in Shacabka Lebanon ayaa caro xooggan u muujiyey siyaasiyiinta, kuwaasi oo tobanaankii sano ee tegay ku caan baxay musuaq-maasuq iyo maamul xumo horseeday in dalkaas iminka uu lugaha kula jiro qalalaase dhaqaale.

 

 

 

 

 

 

 

Comments
Loading...