Wararka aan ka heleyno deegaanka xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in markale uu halkaasi ka bilaawday dagaal u dhaxeeyay labadii maleeshiyo beeleed ee horay ugu wada dagaalamay.
Dagaalka ayaa waxa uu qeyb yahay dagaalo horay halkaasi ugu dhexmaray maleeshiyaad ka mid ah dadka deegaanka iyo Ciidamo ka tirssn Ahlusuna,oo la sheegay in ay qeyb tahay dagaalka.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkaas,walow aan la xaqiijin tirada rasmiga ah ee ku geeriyootay dagaalkaas.
Xaalad kacsanan ah ayaa laga dareemayaa deegaanka Xerasre,waxa uuna ku soo aadaya xili uu baaqday wadajadal Maanta la filayay in uu dhexmaray Maamulka Galmudug iyo Ahlusna.