Dadka danyarta ah ee ku nool Degmada Baardheere oo la gaarsiiyay deeq gargaar ah

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA  oo ka jawaabaysa Xaaladaha adag ee ka jira Degmada Baardheere oo dhawaan uu ku fatahay Wabiga Jubba waxa ay Markii Sadaxaad Maanta halkaas ka qeybisay Gargaar mucaawino ah oo la gaarsiiyey Shacabka ku nool Magaladaas oo daadad iyo Fatahaad iskugu darsoomeen.

250 Qoys oo danyar ah iyo kuwa qaba baahiyaha Gaarka ah ayaa Maanta loo qeybiyey 500 oo Kartoon oo ay ku jiraan Baasto,Bariis,Sonkor iyo dhamaan cunada fudud,horana Soomaaliya ugu deeqday Dowladda Imaaradka Carabta.

Qoysaskii ka faaiideystay Mucaawinadaan ayaa u mahadnaqay Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka,iyagoona qiray in gargaarkii Hay’adda ay gaarsiisay Baardheere loogu qeybiyey sidii loogu talagalay.

Mucaawinadaan ayaana noqonaysa kii sadaxad oo magaladaas ka qeybiso Hay’adda SoDMA.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor