Boliska dalkaasi ayaa sheegay in Haweeney isku soo xirtay waxyaabaha qarxa ay maanta isku qarxisay Isbitaal Guud ee Degmadda Dera Ismail Khaan oo ku taalla W/Galbeed ee dalkaasi.
Ilaa 9 qof ayaa ku geeriyootay, halka 30-kaelna ku dhaawacmeen, wuxuuna qaraxu burbur u geystay Qolka Gurmadka Degdegga ee Isbitaalka,taasi oo sababtay in albaabadda loo laabo.
Haweeneydaasi ayaa la sheegay inay is-qarxisay, xilli Isbitaalka la keenay Askar ku dhawaacantay Toogasho saakayto ka dhacday Bar Kontorool oo ku taalla Galbeedka Degmaddaasi.
Khabiir ku takhasusay baaritaanka maydadka o olagu magacaabo Inayat Ullah ayaa sheegay in Haweeneyda isku soo rakibtay qarax culayskiisu ahaa 7 Kiilo, kaasi oo laga soo buuxiyey masaamiir iyo kushaneetooyin la jarjaray.
Dhacdo kale, Taliyaha Boliska Degmadda Dera Ismail Khaan, Saliim Riyaz waxa uu sheegay in 2 Askari lagu dilay weerar Waaberigii hore ee saakayto ka dhacay Bar Kontorool, iyadoo ay dablaydii baxsadeen.
Dhinaca kale, hadal-qoraal oo ay Maleeshiyadda Daalibaanta ka dagaalanta gudaha dalka Pakistan ee lagu magacaabo Texriik- e-Daaliban waxay ku sheegteen mas’uuliyadda qaraxa iyo weerarka ka dhacay Degmadda Dera Ismail Khan.
Kooxda waxay beeniyeen inay Haweenedy isku qarxisay Isbitaalka, iyagoo sheegay inuu Is-qarxiyuhu ahaa Nin ay magaciisa ku sheegeen Abu Cubayda Qasi.