Ururka Bisha Cas ee Falastiin waxay sheegeen inay Askarta Israel toogasho ku dileen Wiil dhallinyaro Reer Falastiin oo qeyb ka ahaa Dibadbaxyo shalay ka dhacay Daanta Galbeed ee dhulalka la-hysto ee Reer Falastiin.
Wakaalladda Wararka Falastiin ee WAFAÂ waxay magaca Wiilka la dilay ku sheegtay Maxamed Tamiimi oo 17-jir ah, kaasi oo ay Ciiddanka Israel ku dileen Tuulladda Nebi Saalax.
Dadka Tuulladda deggan waxay dhigeen Dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan Ballaarinta Deegaan u dhow oo la soo dejiyey dad Yuhuud ah.
Dhinaca kale, In ka badan 140 Falastiiniyiin ah ayaa iyagana lagu dhaawacay Tuulada Beyta ee ku taalla Dhulalka La-haysto ee Daanta Galbeed ee Falstiin. Iska horimaad dadka Tuulladda iyo Askarta Israel dhex maray ayaa lagu dhaawacay in ka badan 140 Falastiini iyo 2 Askari oo Israa’iili ah.
Dibadbaxyada looga soo horjeedo dadka Yuhuudda ee la dejinayo dhulalka La-haysto ee Falastiin ayaa waxay socdeen atn iyo markii ay Israel qabsatay dhulalka La-haysto ee Falastiin sanadkii 1967-dii.
Ku-dhwaad 475,000 oo La-dejiyayaal Yuhuud ah ayaa waxay haatan ku nool  yihiin dhulalka La-haysto ee Daanta Galbeed ee Falastiin.