Daawo Sawirrada Ra’iisul Wasaare Kheyre oo booqday Xabsiga dhexe

Xasan Cali Kheyre ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo xubno la socday ayaa Maanta booqday Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho.

Gudaha Xabsiga waxaa ra’iisul Wasaaraha iyo xubnihii la socday ku soo dhaweeyay Kusimaha taliyaha ciidanka asluubta,oo ay garbihiisa taagnaayeen inta badan Saraakiisha Ciidannka Asluubta ee ku sugan Xabsiga dhexe.

Marka hore ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixino ka dhagestay Kusimaha taliyaha ciidanka asluubta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Xabsiga si uu ula socdo xaalada ay ku nool yihiin Maxaabiista ku xiran Xabsiga dhexe.

Hoos Ka Daawo Sawirrada