Daacish oo sheegatay mas’uuliyadda Askar lagu dilay dalka Nigeria

Hadal-qoraal oo ay Kooxda Daacish soo saartay ayey ku sheegteen inay 12 Askari ku dileen Saldhig Milliteri oo ku yaalla Gobalka Borno ee W/bari ee dalkaasi.

Weerarkaasi ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa mid aad u cuslaa, isla markaana ay labada dhinac in muddo ah dagaalameen.

Dhowr weerar oo dhacay dhowr maalmood ka hor waxay Warbaahinta Gudaha ee dalkaasi ku sheegeen in lagu dilay  ugu yaraan 35 qof, kadib, markii ay dabley hubeysan weeraro ka geysteen 3 Tuullo oo ku taalla W/bari ee dalkaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media