Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa galabta la wareegay deegaanka Quracle oo qiyaastii 10-km u jira degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool, halkaasi oo markii hore dagaalamaayasha Al-Shabaab gacanta ugu hayeen.
Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ay cagta mariyen xaruuma ay ku sugnaayeen Al-Shbaab oo ay ku lahaayeen fariisimop waa weyn waa sida ay hadalka u dhigeene.
Ciidamadda dowladda oo garab ka helaya dadka deeggaanka ayaa wadda dagaalka ka dhan ah Al-Shbaab, waxaana ay sheegeen in saacadihii lasoo dhaafay ay gacanta ku dhigeen degaanno dhowr ah oo ka tirsan Gobolkaasi Bakool.
Sidoo kale wali Gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay dagaallo Culus oo u dhexeeya Ciidanka Dowladda iyo Al-Shabaab, waxaana dagaaladii ugu dambeeyay Guulo ka sheegtay Dowladda Soomaaliya.